Waadi News - Latest News Update

Xuseen Xasan iyo Aarkii Daboole!

Guud ahaan ummadaha dunida guudkeeda ku dhaqani waxa ay isku raacsan yihiin in libaaxu yahay boqorka duur-joogta. Waxa la gu naanaysay “boqorka kaynta”. Libaaxu waxa uu astaan u yahay geesinimada iyo dhiiranaanta dhifka ah ee aanay habar-dugaagga kale la wadaagin. Waxa uu leeyahay cod iyo hiinraag daran oo nafta maqashaa galiilyo iyo cabsi ay bowdyahay isula dhacdo. Qofka uu meel bannaan ka ga horymaaddaa waxa uu dhimanayaa isaga oo aanay naftu ka bixin ama aanu ciddiyahaba saarin.  Muuqaalkiisa argagaxa iyo anfariirka la ga qaado, indhihiisa cawlka ah, daallabaha godan ee shay kasta oo jidh adagba sahalka u ga dhex baxa iyo shaashkiisaa dhimasho ah.

Booddadiisa iyo cag-fudaydkiisa ayaan la ga waaqsan karin la gana baxsan karin. Libaaxu inta badan ma bar-tilmaameedsado dadka, umana yaqaan cuntadiisa joogtada ah, haddana marar bay dhacdaa in libaaxu dad cuno. Sheeko dhegoodda Soomaalida runna noqon kara waxa ka mid ah “in aanu libaaxu ku degdegin ninka kalidii ah, balse uu ka jecel yahay kooxaha dadka ah ee wada socda.” Markale waxa la ga sheegaa caqliyadda libaaxa in uu leeyahay garasho uu ku kala sooco ninka magligiisu ku dhacay iyyo ninka kale, haddii uu fursad u helo oo uu dhaawaca ka kacana bartilmameedsado ninkii waranka ku ganay oo kali ah.

Dhegaha bulshadu waxa ay in badan maqleen in gayigeenna ay ku noolaayeen libaaxyo aan la ga soo xaraysan jirin oo dad iyo duunyaba huf ka dhigay. Maskaxda dadka waxa weli ku sii daabacan magacyada qaar ka mid ah sida: Daboole, Koorre, Ardaa-gooye, Caasha dhegala’ iyo qaar kale oo hadda xusuustayda ka maqan. Libaaxyadaasi waxa ay geysteyn, waxyeellooyin faro badan oo naf iyo maalba leh. Ninka libaax dilaa bulshada si gaar ah ayuu u ga tilmaannaa, magaciisuna waxa ku faafi jirey deegaantiisa iyo kuwa ay deriska  yihiin oo dhan. Hadaba, halyeeyada libaaxyada unuun-gooyey waxa ka mid ah Xuseen Xasan oo geesnimo xaraar-butaystay. Waxa la yidhi Xuseen oo socota ah ayaa goor subaxa ku soo baxay guri la murugaysan yahay, badhkoodna ay barooranayaan. Bariido dabadeed ayuu weydiiyey waxa reerka helay? Waxa loo sheegay in gabadh gashaantiya xalay libaax qaatay. Halkee ayaa uu la maray gabadha? Ayuu wayddiiyay. Farta ayaa loogu fiiqay jihadii uu u la abraaray inanta. Faraskii uu saarnaa ayaa uu jeedal dhuuxa ka arooriyey, orodna cayntaariyey. Waxa uu jeedaba waxa uu ku soo baxay libaaxii oo raqda wixii u ga hadhsanaa barkaday. Laba waran ayuu sitay iyo gaashaane, mid ahaan kelidda ka ga hubsaday, xawaarana ku dhaafay. Aarkii baa isla kacay, cartamay oo umalkii geedaha cardaaduqoodka ka dhigay. “Aar dhaawacan looma dhawaado” ayaa hore loo yidhi in nabar ayuu ka go’ay kobtii Daboole galgalanaayey. Kolkii uu talax gabay ayaa uu isku soo rogay oo warankii labaadna dhuunta kaga hubsaday. Madaxa inta uu ka soo gooyey, hadhaagii hilbaha inantana soo qaaday ayaa uu reerkii u keenay. Gabayadiisa qaar badan oo ka mid ah ayaa uu ku xusay dhacdadaa la yaabka leh. Waxa ka mid ah:

Aarkii cadceed iyo cadceed la ga cabsoonayey

Carcartiisa isagoo qaboon cidina taataaban

Intuu cunay, intii carartay baa ka cabsi waalnayde

Calaydh maalintaa dhigay dadkii in uu ciftaan sheegtay.

 

W/Q: Mowliid Aadan Biixi.

Posted by