Waadi News - Latest News Update

Xildhabaan DHAKOOL oo maanta la hor-geeyay maxkamadda Hargeysa

Wararka hadda nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in maanta Maxkamada Hargeysa ee G/Maroodi-jeex la hor-geeyay Xildhibaan Dhakool.

Xildhabaan Dhakool oo kamida xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayey habeen hore ciidamada Boolisku kasoo xireen magaalada Hargeysa.

Xildhibaanka ayaa markii saaka la hor-geeyay Maxkamada waxa gebi-ahaanba diiday inuu dhageysto Dacwadii lagu soo oogay Gudoomiyaha maxkamada G/Maroodi-jeex.

Guddoomiye Cabdi Qawdhan ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xadhigiisa loo marin sifo sharci, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xidhay isagoo Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in aanay xaq u laheyn in ay dhageysato maxkamadu dacwada lagu soo oogay xildhibaanka, ilaa inta ay xildhibaanada Golaha Wakiiladu ka qaadayan xasaanada.

Xildhibaan Dhakool ayey ciidamadu dib ugu celiyeen xarunta dambi baadhista ee CID-da, kadib markii uu guddoomiyaha Maxkamadu uu diidey dhageysiga dacwada lagu soo oogay. caasimada online

Posted by