Connect with us

Somalia

Xiisadda Maraykanka Iyo Iran Oo Kasii Daraysa

Iran ayaa maanta ku eedeysay Mareykanka kasii darista “aan la aqbali karin” ee xiisadda ka dhex oogan labada dhinac, waxayna sheegtay in Tehran ay muujineyso is-xakameyn, inkasta oo Washington ay ka baxday heshiiska Nukliyeer. Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay kadib markii toddobaadyadii ina dhaafay uu Maraykanka maraakiibta xambaara diyaaradaha dagaalka, iyo diyaaradaha bambooyinka culus qaada ee B-52 geeyey Khaliijka, isaga oo ku andacooday halis ka soo socota Iran.

“Xiisadda kasii daraysa ee Maraykanka waa mid aan la aqbali karin” Waxaa sidaas yidhji wasiirka arrimaha dibeddda Iran Mohammad Javad Zarif oo wada-hadallo u jooga dalka Japan.

“Waxaan muujinay is-xakameyn, inkasta oo Mareykanka ay ka baxeen heshiiska Nukliyeer” ayuu yidhi Zarif. Wasiirka arrimaha dibedda Iran ayaa sheegay in Tehran ay ka go’an tahay inay heshiiska ay sii waddo, islamarkaana qiimayn la sameeyey ay muujineyso in Iran ay u hoggaansameyso heshiiska. Hadalka Zarif ayaa yimid maalin kadib markii wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ay ku amartay dhammaan shaqaalaheeda laga maarmi karo inay ka baxaan safaaradeeda Baqdaad iyo qunsuliyadda Arbil ee dalka Iraq, xilli ay sare usii kacayso xiisadda ka dhex oogan Mareykanka iyo Iran, taasi oo sare usii qaaday cabsi dagaal. Si kastaba Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Iran ay doonayso in wada-xaajood ay la gasho Mareykanka, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending