Xamaas Oo Qaadacday Xukuumad Cusub Oo Falastiin Lagaga Dhawaaqay - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Xamaas Oo Qaadacday Xukuumad Cusub Oo Falastiin Lagaga Dhawaaqay

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Xukuuumadda cusub ee Falastiin ee uu hoggaaminayo Maxammed Ishteeh ayaa maanta lagu hordhaariyey madaxweyne Maxamuud Cabbaas. Inkasta oo ay xukuumaddan ku jiraan wasiirro ka soo jeeda Marinka Qaza haddana ururka Xamaas oo gacanta ku haya Qaza ayaa sheegay in ayna gebi ahaanba aqoosanayn xukuumaddaas.

Xamaas ayaa sheegtay in tallaabada ay Xarakada Fatax ku soo dhistay xukuumadan cusub ay muujinaysa siyaasada xarkadaas ee ku dhisan keli-talisnimada iyo xoojinta kala qaybsanaanta shacabka Falastiin. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan xasiloonida Bariga Dhexe Nickolay Mladenov ayaa soo dhaweeyey xukuumadda Cusub ee Falastiin isaga oo ballan qaaday inuu la shaqayn doono.

La Wadaag Asxaabta