Xaaladda Suudaan oo weli kacsan - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Xaaladda Suudaan oo weli kacsan

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Ciidammada ammaanka dalka Suudaan ayaa sunta dadka ka ilimeeysiisa ku kala eryay dad dibadbaxyo ka dhigayay gudaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum. Dibadbaxyaasha ayaa codsanayay inuu xilka ka dego madaxweyne Cumar Al Bashiir.

Dad badan ayaa dibadbaxyo maalinkii labaad ka dhigayay afaafka hore ee saldhigga ciidammada militariga ee ku yaalla Khartuum. Goob joogayaal ayaa sheegay in qaar kamid ah ciidammada militariga ay u gurmadeen dadka dibadbaxa dhigayay oo ay is hor fadhiyeen ciidammada amniga. Dawladda Soomaaliya oo u yeertay diblomaasiyiinta ka jooga Suudaan.

Waxaa lagu soo warramaya in qaar kamid ah dadka bannanbaxa wada hoy laga siiyay saldhigga ciidammada badda ee Suudaan. Dibadbaxyaasha ayaa ugu baaqay ciidammada xoogga Suudaan inay ku biiraan kacdoonka si xukunka looga tuuro Al Bashiir. BBC

La Wadaag Asxaabta