Waadi News - Latest News Update

Wiil Ku Dhintay Danab Uu Sababay Roob Ka Da’ay Degmada Sallaxlay

Guddoomiyaha gobolka maroodi jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa xaqiijiyey in wiil yar oo 14 jir ah uu ku geeriyooday danab ku haleelay miyiga dagmada Sallaxlay. Guddoomiyaha oo la hadlay Tv-g Horn Cable ayaa waxaa hadalladiisii ka mid ahaa:” 24-kii saacadood ee u dambeeyey roobab mahiigaan ah ayaa ka da’ayey guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaan gobolka maroodi jeex , meelaha roobabka aadka u laxaadka leh ka da’een waxaa mid ah degmooyinka Sallaxlay, Balli-Mataan, Sabo-wanaag, Cadaadlay, Laas-geel oo degmooyionka Bariga iyo Koonfurta dhaca ah, wax khasaare ah ilaa hadda waxaa la soo sheegay inan ku dhintay deegaanka Sallaxlay meel la yidhaahdo Ina Igarre oo uu danab ku dilay.

Dhalinyaro laga fasax dugsiga boodhinka ah ee degmada Balli-Mataan oo deegaannadoodii ku sii socday miyiga ayaa halkaa gaadhi ay la socdeen uu la galay dhiirigii kaddibna dhallinyaradii roob baa halkaa ku qabtay mid ka mid ah ayaa ku dhintay waanu ka tacsiyadaynaynaa eheladii uu ka dhintay”

Posted by