Wefti Ka Socda Dibad-Baxayaasha Suudaan Oo La Kulmay Golaha Milatariga Ku-meel-gaadhka ah - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Wefti Ka Socda Dibad-Baxayaasha Suudaan Oo La Kulmay Golaha Milatariga Ku-meel-gaadhka ah

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Wefti matalaya dibad-baxayaasha ayaa la kulmay madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee Suudaan CabdilFatax Al-Burhan. Maxammed Yuusuf Mustafe oo ah afhayeenka Ururka Xirfadlayda Suudaan oo hoggaaminayey dibad-baxyada ayaa sheegay in weftigoodu uu golaha milatariga horgeeyey waxyaabaha ay dalbanayaan dibad-baxayaashu.

Sida uu Mustafe tibaaxay dalabaadkaa waxaa ka mid aha in la laalo dhammaan sharciyada ka dhanka ah xorriyadda, iyo in la soo dhiso xukuumad riyad ah,” Waxaanu intaas ku daray inay golaha milatariga ka dalbadeen in “la maxkamadeeyo dambiilayaasha gaystay falalka musuqmaasuqa iyo dilka”.

Golaha milatariga Suudaan ayaa geestooda sheegay in ay xukunka ku wareejin doodnaan xukuumad rayid ah, sidoo kale ay xilka sii hayn doonaan muddo aan ka badnayn laba sannadood.

La Wadaag Asxaabta