Connect with us

World News

Wax ka ogoow 7 arrimood oo la yaab leh oo ku saabsan doorashada Hindiya

Dalka Hindiya waxaa looga dhawaaqay in bisha April ay ka dhacayso doorasho guud, haddaba waxaa jira illaa 7 arrimood oo gaar ah oo doorashadan ku saabsan .

1.Dadkii ugu badnaa ee doorasha ka qeybgala
Doorashadan waxaa ka qeyb qaadanaya dadkii ugu badnaa adduunka ee doorasha ka qeybgala, illaa 900 milyan oo qof ayaa codkooda dhiibanaya , iyaga oo tagaya illaa hal milyan oo goobaha codka lagu dhiibto.
Waxa ay tirada codbixiyeyaasha ka badantahay dadka ku nool qaaradda Yurub iyo Australia oo laisku daray.
Wax ka badan 8,250 musharax oo matalaya 464 xisbiayaa ka qeybgalay doorashadii 2014-kii.

  1. Muddo dheer ayay qaadataa
    Doorashan waxa ay qaadataa xilliga ugu dheer adduunka, waxa ay bilaabanaysaa 11-ka April, waxayna soo xirmaysaa 19-ka May.

Gobolada qaarkood ayaa doorashada u qabta marxalado kala duwan.

Sababta ugu weyn ee ay u daahdo ayaa ah sugista amniga, sababtoo ah ciidanka booliiska waxaa loo arkaa in ay yihiin kuwa dhinac u janjeera, sidaas darteed waxaa goobaha codbixinta la geeyaa ciidamada heerka federaalka ah.

3.Lacag aad u badan ayaa ku baxda
Waxaa ku baxda lacag aad u badan oo gaaraysa $5 bilyan doolar sannadkii 2014-kii oo ay dhacday doorashii ugu dambeysay sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay xarunta daraasaadka warbaahinta.

4.Dumarka oo aad u tiro badan
Qiyaasaha laga hayo doorashadii dhacday 2014-kii, dumarka waxa ay codbixiyeyaasha ka ahaayeen 65.3% .

Markasta dadka usoo baxa in ay codeeyaan, waxaa aad ugu badan dumarka marka la barbar dhigo ragga.

Xisbiyada siyaasadda ayaa hadda bilaabay in ay dumarka il gaar ah u yeeshaan, una balanqaadaan waxqabad u gaar ah dumarka sida deymo yaryar oo ay ganacsiyo ku biloowdaan.

5.Narendra Modi ayaa muhiim ah
Waxa aqlabiyadda baarlamaanka dalkaas haysta xisbiga BJP iyo xisbiga xulufada la ah. BJP waxa uu ku guuleystay 282 kursi oo ka mid ah 428-da kursi ee uu baarlamaanka ka koobanyahay .

Ra’isulwasaare Narendra Modi ayaa ah qofka ugu muhiimsan ee indhaha lagu hayo maadaamaa doorashadii hore uu ku guuleystay aqlabiyaddii ugu badnayd ebed.

Waa qofka ugu caansan Hindiya, isaga oo ah qofka ugu muhiimsan ee codadka u raadiya xisbiga.

Balse natiijada doorashadan ayaa la aaminsanyahay in ay tahay afti lagu ogaan karo heerka taageerada loo hayo Modi.

  1. Kaalinta Lo’da ee doorashada
    Lo’da ayaa astaan u noqotay kala qeybsanaanta bulshada Hindiya, taas oo ay xisbiyada ka faa’iideysanayaan.

Dadka Hindiiga ah ee lo’da caabuda ayaa dilay dad muslimiin ah oo lagu eedeeyay in ay lo’ qasheen.
170 milyan qof oo Muslimiin ah ayaa ku nool Hindiya, iyada oo aysan jirin hal xildhibaan oo Muslim ah oo ku jira xisbiga talada haya ee BJP.

  1. Gobolka hardanka ugu badan uu ka jiro
    Gobolka Uttar Pradesh ayaa ah kan hardanka ugu badan uu ka jiro, sababtuna waxa ay tahay in xildhibaanada ugu badan laga soo doorto.

Illaa 80 xildhibaan ayaa gobolkan laga doortaa , waxaana ku nool qof ka mid ah lixdii qof ee reer Hindiya ah.

Xisbiga BJP ayaa gobolkan ka heley heley 71 kursi, waxayna taas ku dhacday isbahaysi adag oo xisbiyada ka dhex dhashay.

Balse hadda waxaa BJP u midoobay labo xisbi oo saamayn badan ku leh gobolkan.

BBC Somali

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending