Connect with us

Somalia

Wasiir Ingiriis ah oo Mucjiso ku tilmaamay Somaliland

Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee UK, Mr. Rory Stewart, ayaa ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ku tallaabsatay guullo wax-ku-ool ah, waxaanu caddeeyey inay kala shaqeyn doonaan Doorashada Baarlamaanka ee soo socota. Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu yeeshay baarlamaanka Ingiriisku, oo Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ee laga soo doorto Koonfurta Cardiff uu wax waydiiday inay Dawladda UK Somaliland kala shaqeynayso Saameynta isbeddelka Cimilada Adduunka, Doorashada soo socota ee Baarlamaanka iyo Wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Mr. Rory Stewart wuxuu Somaliland ku tilmaamay mucjiso yar oo ku dhex taalla bad qas iyo dhibaatooyin badani ka jiraan, waxaanu qiray inay guullo badan gaadhay, halka uu Soomaaliyana ku tilmaamay mid ay taagan tahay xaalad adagi. Mr. Rory Stewart Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Ingiriisku wuxuu sheegay in Dawladda UK ay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqeysay Doorashadii u dambeysay ee Madaxtooyadda, isla markaana ay ka taageerayaan Doorashada soo socota ee Baarlamaanka Somaliland.

“Nasiib wanaag waxaan la kulmay booqashadaydii u dambeysay ee aan ku tagay Somaliland, madaxweynaha hadda talada qabtay. Waxaan filayaa inay jiraan wax badan oo aynu la qaban karno Somaliland, waxaan ku faraxsan nahay inaan la fadhiisan doono xildhibaannada si aanu uga wada hadalno qoddobada Somaliland khuseeya,” ayuu yidhi Mr. Rory Stewart.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending