Connect with us

Somalia

WAR DEG DEG AH: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax wayn ayaa ka dhacay xarunta degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Xaruntan ayaa ku taalla dhabarka madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa jira warar hordhac ah oo sheegaya in uu jiro khasaare nafeed.

Gaari waxyaabaha qarxa loo adeegsaday ayaa loo malaynayaa in qaraxa loo adeegsaday.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Balse ururka Al Shabaab ayaa weeraro noocan ah horay u gaystay. BBC

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending