Connect with us

World News

Waddan Afrikaan Ah Oo Doonaya In Uu Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Ka Badbaadiyo Maxkamadda Dambiyada Caalamka

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Uganda Henry Oryem Okello ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu ka fikirayo in uu madaxweynihii Suudaan ee xilka laga tuuray Cumar Al-Bashiir uu magan-gelyo siiyo. Wasiir Okello ayaa si cad ugu sheegay wakaaladda France Press in ” haddii Uganda laga dalbado inay magan-gelyo siiso Cumar Al-Bashiir, ay arrintaas go’aan ka gaadhi doonaan masuuliyiinta ugu sarreeya dalkiisa”.

Wasiirkan reer Uganda ayaa sheegay in iyada oo la tix-gelinayo kaalintii uu Bashiir ku lahaa nabadaynta Suudaanta Koonfureed ay suurto gal tahay in xukuumadda Uganda ay magan-gelyo siiso. Okello ayaa intaas raaciyey ” Uganda si dhaw ayey ula socotaa isbeddelada ka dhacaya Suudaan, maamulka cusubna waxaanu ka dalbanay in ay dhawraan rabitaannada shacabka Suudaan, oo ay ka mid tahay in si nabad ah talada lagoogu wareejiyo dadka rayidka ah”.

Si kastaba ha ahaatee, toddobaadkii hore ayey milatariga Suudaan casileen madaxweyne Bashiir oo talada soo hayey 30 sannadood, kaddib muddo saddex bilood ah oo ay kacdoonno aloosnaayeen dalkaas.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending