Waadi News - Latest News Update

Waa Kuma Ergayga Cusub Ee Qaramada Midoobay U Magacawday Soomaaliya?

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Swan, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Maraykanka. Mr Swan ayaa sidoo kale loo xushay inuu noqdo madaxa xafiiska qaramada Midoobay ee ka howl gala Soomaaliya. Ninkan ayaa baddali doona danjire Nicholas Haysom oo u dashay dalka Koonfur Afrika, kaasoo xog hayuhu uu si weyn uga mahad celiyay hawshii uu xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ka qabtay intii uu shaqada hayay. Waa kuma James Swan? War saxaafadeed lasoo dhigay bogga uu internet-ka ku leeyahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay soo xulashada wakiilka cusub.

Mr. Swan ayaa lagu qeexay inuu yahay diblomaasi khibrad leh oo muddo dheer kasoo shaqeeyay caalamka, howlo bandanna usoo qabtay dowladda Maraykanka. Wuxuu hore u ahaa wakiilka gaarka ah ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya. War saxaafadeedka Qaramada Midoobay ayaa lagu yidhi: “Mr Swan waxa uu khibraddiisa shaqo inteeda badan ku qaatay waddamada qaaradda Afrika, wuxuuna wajahay xaalado adag oo siyaasadeed iyo xilliyo kala guur ah. Waxa uu Danjiraha Maraykanka u fadhiya Koongarada Dimuqraaddiga ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2016-kii, wuxuu sidoo kale ahaa wakiilka khaaska ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhaxeysay sanadihii 2011-kii ilaa 2013-kii,  halka Danjiraha Jabuuti uu ahaa intii u dhaxeysay 2008-dii ilaa 2011-kii”. Xirfaddiisa shaqo xilligeedii hore, Mr Swan wuxuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xog hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika laga billaabo 2006-dii ilaa 2008-dii. Waxa uu sidoo kale muddo hal sano ah oo u dhaxeysay 2005-tii ilaa 2006-dii soo noqday Agaasimaha Afrika ee hay’adda sirdoonka iyo cilmi baadhista ee Mareykanka. Mr Swan ayaa shaqooyin kala duwan kasoo qabtay dalalka Koongada Dimuqraaddiga ah, Koongo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.  

Posted by