Waadi News - Latest News Update

Waa Kee Waddanka Khaliijiga ah ee Doonaya in uu dhexdhexaadiyo Maraykanka iyo Iran?

Xukuumadda Kuwayt ayaa ka dhawaajisay in ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta Maraykanka iyo Iran, kaas oo la mid ah hadal ay hore u sheegtay  Saldanadda Cumaan. Ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Kuwayta Khaalid Al-Jaar Allah ayaa tibaaxay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu la yimaado dedaalo ku filan oo laga dejiyo xiisadda ka taagan gobolka ee ka dhex-aloosan Washignton iyo Tehran. Waxaanu intaas ku daray: “In Kuwayta ay ku kalsoon tahay in caqliga laga shaqaysiiyo nabadda laga shaqeeyo si iska horimaad looga baaqdo “.

Al-Jaara Allah ayaa sheegay inay kalisoonidaa ka helayaan hadallada ka soo yeedhay labada dhinac ee Maraykanka iyo Iran oo ah in ayna dagaal rabin. Geesta kalena waxa uu ka dhawaajiyey in uu ku rajaynayo in shirka uu ku baaqay boqorka Sacuudigu uu xal u noqdo xaaladda gobolka.  Isaga oo tixraacaya dedaallada Saldanadda Cumaan ayuu Al-Jaara Allah sheegay in ay wada-hadallo u bilaabmeen labada dhinac ee Maraykanka iyo Iran.

Posted by