Waadi News - Latest News Update

Turkiga oo bilaabay howlgal ka dhan ah taageerayaasha Fethullah Gulen

Booliska Turkiga ayaa saaka bilaabay howlgallo ay kusoo xidhayaan in ka badan 1000 qof oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin waddaadka uu fadhigiisu yahay Mareykanka ee Fethullah Gulen. Waxaa lagu eedeeyay waddaadkan inuu soo abaabulay afgembigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sanadkii 2016-kii. Laamaha ammaanka ayaa howlgal ka wadaa magaalooyin dhowr ah si ay usoo qab qabtaan dadka loo shakiyay inay daacadda u yihiin Fethullah Gulen.

Waa howlgalkii ugu weynaa ee ka dhanka ah tageerayaasha Gulen tan iyo markii uu dhicisoobay afgembigi dhicisoobay ee xukunka looga tuuri rabay madaxweyne Erdogan kaas oo horseeday in dowladda ay xabsiga dhigto in ka badan 77,000 qof. BBC Somali.

Posted by