Trump Oo U Hanjabay Israa'iil - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Trump Oo U Hanjabay Israa’iil

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Maamulka Trump ayaa Israa’iil uga digay xidhiidhka Shiinaha isaga oo ku goodiyey in arrintaas ay wiiqayso xidhiidhkooda Washignton. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u sheegay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in haddii ay Israa’iil xakamayn waydo xidhiidhkeeda ay la wadaagto Shiinaha ay taasi dhaawici doonto xidhiidhka iyo wada-shaqyanta ka dhaxaysa iyaga iyo Washignton, sida ay sheegeen saraakiil Israa’iiliyiin ah.

Maamulada Trump iyo Netanyahu ayaa iskala jaan qaaday dhammaan dhinacyada siyaadadda marka laga reebo xidhiidhka Tel Aviv iyo Shiinaha. Maamulka Trump ayaa dhawr jeer ugu baaqay Israa’iil inay hoos u dhigto xidhiidhkeeda Shiinaha balse in madaxweyne Trump uu si toos ah arrinkaas ugalka hadlay ra’iisal wasaare Netanyahu ayaa ah arrin muujinayso in uu dulqaadkii ka sii dhammaano maalmulka Trump.

La Wadaag Asxaabta