Waadi News - Latest News Update

Trump: “Boqolkiiba Boqol Waan Taageersan nahay Weerarrada ay Israa’iil ka waddo Qaza”

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisu uu si buuxda u taageersan yahay jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso sawaariikhada lagaga soo ridayo dhinaca Qaza. Trump ayaa ugu baaqay Falastiiniyiinta in ay joojiyaan weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, Isaga oo shacabka Qaza uga digay in ayna falalkaas u soo kordhinaynin waxaan ka ahayn hoog. Trump ayaa Twitter-kiisa ku soo qoray: “Israa’iil waxa ay mar labaad wajahaysaa weerarro gantaalo ah oo dhiig ku daatay, kuwaas oo kaga imanaya kooxaha argagaxisada ah ee Xamaas iyo Al-Jihaad Al-Islaami”.

Waxaanu intaas ku daray “Boqolkiiba boqol waxaan taageersan nahay in Israa’iil ay difaacdo muwaadiniinteeda”, Trump ayaa hadalkiisa ku sii lifaaqay ” Muwaadiniinta Qaza waxaan leeyahay falalka argagaxisada ah ee ka dhan ah Israa’iil idiinma soo jiidi doonaan waxaa ahayn halaag. Cunfiga soo gabagabeeya, kana shaqeeya hirgelinta nabadda.. taas ayaa suurto gal ah e”. Ugu yaraan 25 ayaa ku shahiiday weerarro ay diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen Qaza maalmihii Sabtidii iyo Axadda.

Dadka Shahiiday waxaa ka mid ah, 3 haween ah, laba abaydin ah, wiil iyo laba uur jiif ah. Geesta kalena sawaariikh ay kooxaha wax-iska-caabinta Falastiin ay kaga jawaabeen duqaymaha Israa’iil ayaa waxaa ku dhintay 4 Israa’iiliyiin ah, tobonnaan kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Posted by