Taarikhda hoggaamineed ee militariga Suudaan - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Taarikhda hoggaamineed ee militariga Suudaan

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Ciidammada xoogga dalka Suudaan ayaa kaalin weyn ka qaatay siyaasadda tan iyo markii uu dalkaasi xoriyadda qaatay sannadkii 1956-dii.

Militariga ayaa lagu eedeeyaa inay ka faa’ideystaan cabashooyinka waawayn ee shacabka, iyaga oo jaranjar uga dhigta sidii ay awoodda kula wareegi lahaayeen, ka dibna iska indho tira rabitaankii shacabka gadooday.

Sannadkii 1958-kii, 2 sanno ayaa kasoo wareegtay markii Suudaan ay xoriyadda qaadatay, madaxii ciidammada miliariga Janaraal Ibraahim Cabuud ayaa awoodda dalka kula wareegay afgembi uusan wax dhiig ah ku daadan.

Kacdoon ballaaran oo ka qarxay Suudaan ayaa militariga ku qasbay inay xukunka wareejiyaan sannadkii 1964-tii.

Militariga waxaa xukunka afgembi kala sii wareegeen janaraal Jacfar Al Nimeyri sannadkii 1969-kii.

Sannadkii 1985-kii, Cabdel Raxmaan Swar Al Dahab ayaa horkacay saraakiil militari ah si ay u afgembiyaan dowladdii u hoggaaminayay Al Nimeyri.

Sannad kaddib, Al Dahab waxaa uu awoodda ku wareejiyay dowladdii lasoo doortay uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Al Sadiiq Al Mahdi.

Saddex sanno kaddib, bishii June ee sannadkii 1989-kii, saraakiil militari uu madax u ahaa Cumar Al Bashiir ayaa afgembiyay dowladdii Al Mahdi.

30 sanno kaddib, Al Bashiir wuxuu sii hayay xilka, wuxuu la kulmay caqabadooyin dhowr ah. BBC

La Wadaag Asxaabta