Connect with us

World News

Suudaan: Khasaaraha Weerar Lagu Qaaday Dibad-Baxayaasha Iyo Ciidamadii Ammaanka

Ugu yaraan 5 qof oo uu ku jiro sarkaal milatari ayaa ku dhintay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas ka dhacaday rasaas ka dhacday goobta ay fadhiyaan dadka dibad-baxyada dhigayaa oo ah afaafka hore ee taliska guud ee ciimadanka Suudaan. Golaha milatariga ee ku-meel-gaadhka ah ayaa falkan ku eedeeyey waxa uu ugu yeedhay “dhinacyo dhagaro u maleegaya Kacdoonka oo ka cadhooday is-afgaradkii Shalay la gaadhay, kuwaas oo uu sheegay inay ku foogan yihiin sidii ay u saqiirin lahaayeen heshiis kasta oo la isla gaadho iyo in ay dalka mugdi galiyaan”.

Waxaanu intaas ku daray in ay kooxo u duseen goobta kacdoonka iyo meelo kale iyaga oo bilaabay falal xaalad abuur ah, oo isugu jira rasaas furid, khalkhal gelin amni, iyo xad-gudubyo ka dhan ah muwaadiniinta iyo ciidamada ilaalinaya ammaanka dibad-baxayaasha. Guddida dhakhaatiirta Suudaan ayaa xaqiijisay  dhimashada 5 ruux iyo 15 dhaawac ah. Dhacdadan ayaa imanaysa kaddib markii ay Milatarigu sheegeen in ay hoggaanka kooxaha kacdoonka iyo isbeddelka la galeen heshiis la xidhiidha qaab-dhismeedka maamulka ku-meel-gaadhka ah iyo hawlaha uu qabanayo.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending