Waadi News - Latest News Update

Suudaan: Khasaaraha Rabsshado dhex-maray dibad-baxyaasha iyo Milatariga

Warar kala duwan ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay fadhiisinka mudaaharaadayaasha Suudaan ee ku yaalla badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Khartuum. Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa telefeshinnada Carabiga ku hadla ayaa sheegtay in laamaha ammaanku ay galeen goobta ay mudaaharaadayaashu fadhiyaan. Dadka xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in tallaabadaas lagu doonayo in lagu kala diro mudaaharaadayaasha. wararku waxa ay sheegayaan in shan ruux ay ku dhinteen rabshado saaka ka dhacay Khartuum.

Mar sii horraysayna Ururka Xirfadleyaasha Suudaan ee hoggaaminaya mudaaharaadyada ayaa ku baaqay in dadku ay waddooyinka u soo baxaan, ka dib markii ay ciidammadu rasaas ku fureen dibadbaxayaasha. Golaha Milatariga Suudaan ee haya awoodda dalkaas ayaa diiday in uu awood u adeegsaday kala eryidda mudaaharaadayaasha ku sugan bannaanka saldhigga ciidammada ee ugu wayn dalkaas oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum. “Milatariga Makala eryin mudaaharaadayaasha fadhiisinka ka samaysay bannaanka saldhigga ugu wayn ee ciidammada, balse goob kale oon ka fogayn ayay bartilmaameedsadeen, taas oo halis ku ahayd ammaanka muwaadiniinta” sida uu sheegay Sarreeye Guud Shams Al-Din Kabbashi oo la hadlay Sky News Arabia TV oo fadhigiisu yahay Imaaraadka.

Posted by