Connect with us

World News

Suudaan: Guddoomiyihii Khartuum oo Iscasilay

Suudaan: Waxaa is-casilay guddoomiyaha Khartuum Mustafa Warraaq, isaga oo ka biyo-diiday qaabkii ay ciidamada Suudaan ula dhaqmeen dadkii dibad-baxyada ka dhigay caasimadda Khatruum oo sababay dhimashada 35 ruux. Kooxaha Mucaaradka Suudaan ayaa diiday qorshe uu golaha Ku-meel-gaadhka ah ee milatariga ku doonayo in doorasho lagu qabto muddo 9 bilood gudahood ah. Qaar ka mid ah waddamada Carabta ayaa ka digay in faro-galin lagu sameeyo arrimah Suudaan iyaga oo ku baaqay in baadhitaan caalami ah ah lagu sameeyo rabshadihii Isniintii ka dhacay dalak Suudaan.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay wali sii soconayaan mudaharaadyada lagu diidan yahay qaabkii foosha xumaa ee Milatarigu u kala eryey dibad-baxayaashii muddada dheer horfadhiyey taliska guud ee ciidanka dalkaasi. Geesta kalena Isbahaysiga Dimuqraadiga ah ee Qareennada Suudaan ayaa waddamada Carabta ugu baaqay in ayna soo faro-galin dalkooda, sidoo kalena ay joojiyaan taageerada ay siiyaan golaha milatariga ee talada dalka haya. Farriintan ayaa u muuqata in ay ku socoto waddamada Masar, Imaaraatka iyo Sacuudiga. Dhanka kalena Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu kulan degdeg ah ka yeesho xaaladda Suudaan, kulankan ayaa waxaa ku baaqay Ingiriiska iyo Jarmalka.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending