Waadi News - Latest News Update

Somaliland oo sii daysay ‘maxaabiis ay Puntland ka haysay’

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Cafis Madaxwayne Waxa uu u fidiyay maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii ciidamadda somaliland iyo kuwa maamulka Puntland ku dhex maray deegaanka tukaraq. Afhayeenka Madaxwaynaha Maxamuud Warsame Jaamac oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyadda ayaa Sheegay in sababta loo sii daayay ay tahay sidii deegaankaasi uga dhalan lahayd nabad buuxda.

Maxamuud warsame ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in madaxwaynahu uu nabad ugu baaqayo maamul goboleedka Somaliyeed ee Puntland si khilaafyadda loogu dhameeyo gogol nabadeed. Maxaabiista uu maanta madaxwaynahu balan qaaday in la siidayn doono ayaa tiradoodu waxa ay gaadhaysaa 14 maxbuus kuwaas oo lagu celin doono maamulka puntland.

Posted by