Waadi News - Latest News Update

Siyaasi Si Weyn Uga Muuqdo Masraxa Siyaasadeed Ee Britain Iyo Midowga Yurub Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay In Ay Aqoonsato Somaliland

Nigel Farage waa siyaasi si weyn uga muuqdo masraxa siyaasadeed ee Britain iyo Midowga Yurub. Wuxuu waday olole ballaadhan oo uu Ingiriiska kaga baxayo Midowga Yurub, waxaa uu ka mid yahay dadkii gadhwadeenka ka ahaa aftidii ka bixidda Britain ee Midowga Yurub. Nigel Farage waxaa uu kasoo horjeeda siyaasadda reer Yurub, inkasta oo dhawaan loo doortay in uu xubin ka noqda baarlamaanka Midowga Yurub. Farage wuxuu necebyahay Midowga Yurub, haddana Xisbiga cusub ee uu dhowr toddobaad ka hor sameeyay ee Brexit ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee baarlamaanka Midowga Yurub ku matali doono Britain.

Hoggaamiyihii hore ee xisbiga UKIP ayaa hadda dib ugu laabanaya magaalada Brussels si uu u sii wato ololihiisa ka dhanka ahaa midowga Yurub. Waxaa uu howlihiisa siyaasadeed ku soo qaatay xarunta Midowga Yurub oo markii ugu horreysay loo doortay baarlamaanka sannadkii 1999-kii. Nigel Farage ayaa taageeray Jamhuuriyadda  Somaliland oo uu ku ammaanay sida ay u xoojisay nabadda. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in Britain iyo dunidaba ay aqoonsdaan Jamhuuriyadda Somaliland. Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale. BBC

Posted by