Waadi News - Latest News Update

SIDEED U SAWIRI LAHAYD!?

Sidee ayaad u dhigi lahayd “Hadalka” marka aad doonayso qof aad kalgacayl u hayso, in aad ka dhaadhiciso muhiimadda uu naftaada u leeyahay, adiga oo tusaya qiimaha uu agtaada ka joogo iyo sida uu kuugu qaalisanyahay?. Dumarku waa waxa keliya ee jabiya calool adaygga ragga, nin kasta oo wax is moodana iyaga ayuun baa calaacalka ka dhammeeya. Marka ninku uu beer-nugaylkiisa debedda u soo wada saaraana, waa marka uu jacayl ku dhaco, taas waxa aad ka dareemi kartaa Suugaanta, hadallada uu nin wax jeceli Maansadiisa u adeegsanayo ee uu rabitaankiisa ku cabbirayaana had iyo goor waa erayo kama dambays ah, oo uu nafta geed ku soo xidhayo, mana aha kalmado afka laga odhan karo iyaga oo hadal caadiya ah. Halabuurka Soomaalida in badan oo ka mid ahi sida ay Jacaylka qof dumar ah oo maan-qaadday u fasirayaan, ayaa yaab leh, marka aad eegto ilaa iyo heerka ay buunbuuniyaan sida ay wax u doonayaan, ama sida ay u sifaynayaan nafta wax jecel xaaladaheeda.

Bal daawo Sawirradan kala jaadjaadka ah:

Cabdi Iidaan, guriga inantu ku nooshahay docdiisa oo uu hal mar istaagaa, qiime intee leeg ayay ku joogtaa?. Hadraawi, muxuu u samayn lahaa, inanta uu u waayo-sheeganayaa hadday ka oggolaato?

Cali Cilmi Afyare, Jacaylka Safiya uu u hayey heerkee ayuu la gaadhay?. Maxamed Cali Kaariye, muxuu badka soo dhigi lahaa hadday uga baahato inanta uu la hadlayey?

Raage Ugaas, markii ay gabadhu gacantiisa soo gashay, ha se yeeshee aano loo daba socdo, muxuu ku adkaystay?

Daaraha bes iyo fooqyadaa, dahabku yaalyaallo

Docdiinnoon mar soo joogsadaa, iga la duug roon. – Cabdi Iidaan.

Haddaan lay cadaabayn

Rabbi ii cadhoonayn

Dadku inu ku caabbudo

Saw kuma canaanteen. – Hadraawi

Xalayto saamalaylkii kolkii, uunku wada seexday

Anigiyo santari gaadha baa, joognnay suuqyada e

Waxan sugayay mooyee cidlaan, saakun ku ahaaye.– Cali Cilmi Afyare

Naftayda waan kuu huri lahaa

Hantina kaa bixin lahaa

Hagar kuuma quudheen

Halistaad I gooysiyo

Halkaad igaga taallee.– Maxamed Cali Kaariye

Qab qab dhaafay bay laba qabiil, qaran ku waydaaye

Haabiil ba qaabiil markuu, qoonsaduu dilaye

Qar ha dumo, qiyaamana ha dhaco, qoysnna yuu hadhin.– Raage Ugaas

Ma u malaynaysaa in waxyaabahani ay yihiin wax dhici karaya ama aan dhici karayn? Se arrimahan culculus qof ma samayn kari lahaa, haddii qof uu jecelyahay helitaankiisu ku xidhanyahay? Anoon su’aalahaaba is weyddiin haddaan ujeeddada ka raaco:-

Nin waliba wuxuu raadinayaa, sidii ay gabadha uu doonayaa ula fahmi lahayd ama ula dareemi lahayd, Cishqiga uu laabta ugu hayaa inta uu leegyahay, si ay inuun u soo debecdo, Bulshadana ugu qancin lahaa dhabnnimada jacaylkiisa si ay ugu garowdo. Xaaladaha halabuur wax jeceli uu sheegi karaa marna waa kuwo jira ama dhici kara, marna waa kuwo uu isagu abuuro ama buunbuuniyo.

Sakariye Saxardiid Axmed “Awaare”

Posted by