Connect with us

World News

Shirkad Xabaalaha Qodda Oo Suuq La’aan Ka Cabatay Kaddib Markii ay Dimashadii Yaraatay

Shirkad xabalaha qodda ayaa sheegtay inuu dakhligeeda 2019-ka hoos u dhacay maadaamaa ay dadka dhimanaya sanadkan yaraadeen. Shirkadda oo lagu magacaabo Dignity oo laga leeyahay dalka Britain ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2019-ka inay hoos u dhacday boqolkiiba 12% ayna noqotay 159,000, marka la barbar dhigo 181,000 oo ahayd isla xilligan oo kale sanadkii la soo dhaafay. Sidaas daraaddeed, waxay shirkaddu sheegtay inay ka cabsi qabto iney dabayaaqada sanadkan ay khasaarto 21.7 Milyan oo gini.

Waxayna shirkaddu sheegtay faa’idada guud ee ay shirkaddu soo xereyso ay noqon karto 3 milyan oo gini faa’idada shirkadda oo ahayd 4 milyan oo gini bilihi la soo dhaafay. Dignity bilihi ugu horreeyay ee sanadkan waxay fulisay aaska 19,200, marka la barbar dhigo 21,400 oo saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkii 2018-kii ay aastay. Waxay leedahay haddii uu xaalku sidan ku sii socdo inay khasaaro badan geli doonto. Balse saamiga ay shirkaddu haysato oo ahaa 11.7% wuxuu hadda gaaray 12%.

“Shirkadda Dignity waxaa kale oo ay sheegtay “Sida ay muujineyso xogta taariikhiga ee aan hayno inuu sii soconeyn sanadka oo dhan hoos u dhaca ku yimid faa’idada shirkadda ay aaska dadka dhinta ka soo xeraynaysay

 balse ay dhici karto inaan sanadkan waxaan ka badneen 3% ay khasaaraha shirkaddu noqoto marka la barbardhigo faa’idada sanadki hore ay soo xereysay.” ayey tidhi shirkaddu iyad oo ka duuleyso tirada dadka dhintay bilaha ugu horreeyey ee sanadkan. Xafiiska diiwaangelinta UK ayaa xaqiijiyey in bilihii hore ee sanadkan ay dhimashadu yareyd, balse saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkii hore ee 2018-kii ay dhimashu badneyd sababo la xidhiidha xanuunno dillaacay iyo cimilada oo aad u qaboobeyd.

Hay’dda ONS waxay sheegtay tirada dhimashada ee bilaha ugu horreeya sanadkan 2019-ka ee yaraatay iney muujineyso iney dhimashada sida caadiga ah ku soo noqoneyso maadaamaa ay jirin cudurro saf iyo masiibooyinka kale oo dabiici ah.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending