Waadi News - Latest News Update

Shiinaha Oo Lagu Eedeeyey In Uu Xasilooni Darro Ka Abuurayo Qaaradda Aasiya

Ku-simaha wasiirka difaaca Maraykanka Patrick Shanahan ayaa Shiinaha ku eedeeyey in uu masuul ka yahay dhaqdhaqaaqyo taxane ah oo xasilooni darro ka abuuraya qaaradda Aasiya sidoo kalena sii kicinaya xurgufta u dhaxaysa labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka. Shanahan oo ka hadlayey shir wasiirrada difaaca ee gobolka ugu qabsoomay dalka Singapore ayaa ayaa xulafada Maraykanka ee Aasiya ugu baaqay in kordhiyaan miisaaniyadda ay ku bixiyaan dhinacada difaaca isaga oo hoosta ka xariiqay in ay Maraykanka ka go’an tahay in uu ka soo baxo waajibaadkiisa. Inkasta oo aanu Shanahan si toos ah u magac-dhabin Shiinaha haddana waxa uu sheegay inay jiraan kooxo gobolka ka abuuraya xasiloonid darro,,

 isaga oo tibaaxay in ay Shiinaha u roon tahay in uu xidhiidh wanaagsan la yeesho Maraykanka. Hadalka Shanahan ayaa ku soo beegmaya xilli Maraykanka iyo Shiinah aya ka dhex-asoosan tahay dagaal ganacsi oo hor leh iyo ismaandhaaf ku aaddan Badda Koonfureed ee Shiinaha iyo qadiyadda Taiwan oo Beijing u aqoonsan tahay qayb dhulkeeda ka mid ah.

Posted by