Waadi News - Latest News Update

Shiinaha oo Ka walaacsan Dagaal Dhex-Mara Isaga Iyo Maraykanka

Wasiirka difaaca ee shiinaha Wei Fenghe ayaa Maraykanka ku cambaareeyey tallaabada uu ku taageeray madax-bannaanida Taiwan, iyo hawl-gallada uu ka wado badda Koonfureed ee Shiinaha oo la isku haysto, Balse wasiirku waxaa uu sheegay in dagaal dhexmara labada waddan uu masiibo horseedi karo.

Mar uu Wei Fenghe hadal ka jeedinayey shir dhinaca ammaanka ah oo ka dhacay Singapore ayuu sheegay in Shiinuhu uu dagaal la geli doono cid kasta oo isku dayda in ay Taiwan ka goyso Shiinaha intiisa kale maadaama ay tahay qayb dhulkeed ka mid ah. Wei Fenghe oo ku labisan dharka milatariga ayaa yidhi “Ma guulaysan doonaan isku day-yada lagu qaybinayo Shiinaha.  

Fara-gelin kasta oo ku saabsan arrinta Taiwan guul darro ayaa ku dhammaanaysaa”. Waxaanu intaa ku daray “Waddamo aan ka tirsanayn gobolka ayaa badda Shiinaha u imanaya si ay u muujiyaan cududdooda milatari”.

Posted by