Connect with us

World News

Saynisyahannada Cilmi Falagga oo Sheegay Xilliga Ciiddu soo galayso

Tiro Saynisyahannada Cilmiga Falagga ah oo ka socda 12 waddan oo Carab ah ayaa soo saaray warsaxaafadeeda la xidhiidha curashada bisha Shawaal ee foodda innagu soo haysa. Falakiyiintan ayaa sheegay in Ramadaan ay ku dhammaanayso 30 maalmood marka lagu xisaabtamo arrigtida bisha laakiin ay 29 ku dhammaanyso haddii laga xisaabiyo dhinaca cilmi-falagga. Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in waddamadii soomay 6 May ay ciidi doonaan 5 June oo ku beegan maalin Arbaco ah.

Saynisyahannada ku saxeexan warsaxaafadeedka oo tiroodu dhantahay 24 qof ayaa sheegay in ay bayaankan soo saareen iyaga oo ku dedaalaya in hay’adaha u xilsaaran la socodka curashada bisha ay go’aan midaysan ka soo saaraan arrintaas. Bayaanka waxa sidoo kale lagu xusay in ayna suurto gal ahayn in bisha laga arko Australia, Aasiya, Afrika iyo Yurub 3-da Bisha June oo ah maalinta ugu hoorraysa ee ay waddaamda islaamka isku dayidoonaan in ay arkaan bisha cusub.

Waddamadii soonka bilaabay 6 May oo ah Pakistan, Iran, Brunei, Bangladesh, Cuman iyo Marooko ayaa waxay soomi doonaan 29 cisho iyaga oo 5 June la ciidi doona waddamadii maalinta ka horreeyey.

Source

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending