Connect with us

World News

Salaad Janaaso ah oo lagu tukaday duuliyihii diyaaraddii burburtay ee Itoobiya

Boqollaal ruux oo Muslim ah ayaa janaaso qaa’b ah u tukaday Yared Mulugeta Gatechew oo ah duuliyihii 29 jirka ahaa ee ku dhintay diyaaraddii Itoobiya ee burburtay Axaddii. Salaaddan ayaa fiidnimadii Salaasada lagu oogay masaajidka caanka ah ee Baluch ee ku yaalla magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

In janaaso qaa’ib ah la tukado waxay tilmaamaysaa in qoyska duuliye sare Yared aysan filayn in ay helaan maydka wiilkooda, ayuu yiri wariyaha BBC Wazir Khamsin oo ku sugan magaalda caasimadda ah ee Nairobi. Omammy Dallah oo wax ku qora baraha bulshada ayaa soo dhigay salaadda oo dadka oogaya uu ka mid ahaa wiil ay walaalo yihiin duuliye sare Yared.

Duuliye sare Yared ayaa ahaa Itoobiyaan iyo Kenyan iska dhal ah, qaar ka mid ah qoyskiisa dhaw ayaana ku nool magaalada Mombasa. Dadka ka qaybqaatay aaska waxaa ka mid ahaa Munir Mazrui oo ka mid ah dadka Kenyanka ah ee ku caanbaxay u dhaqdhaqaaqidda xuquuda aadanaha iyo Maxamed Xirsi oo caan ku ah arrimaha hoteellada. BBC Somali

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending