Waadi News - Latest News Update

Safaaradda Maraykanka Ee Dalka Honduras Oo Dab La Qabadsiiyey

Dad gadoodsan ayaa dab qabadsiiyey afaafka hore ee safaaradda Maraykanka ee dalka Honduras, iyaga oo ka cadhooday taageerada uu maamulka Trump u fidiyey madaxweynaha dalkooda Juan Orlando Hernandez oo ay dalbanayaan in uu Iscasilo.

Mucalimiin, shaqaalaha caafimaadka iyo arday ayaa iskugu soo baxay waddooyinka magaalada Tegucigalpa iyaga oo ka soo horjeestay warar sheegaya in xukuumadda madaxweyne Hernandez ay dad shicib ah ku wareejinayso waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka. Dibad-baxyadan ayaa imana sannad uun kaddib markii uu talada dalkaas qabsaday madaxweyne Hernandez.

Posted by