Sacuudiga Oo Diyaarado Lagu Weeraray - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Sacuudiga Oo Diyaarado Lagu Weeraray

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Wasiirka Tamarta ee Sacuudiga Sacuudiga Khaalid Al-Faalix ayaa qiray in uu jiro weerar ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn oo lala beegsaday warashado shidaal oo dalkaasi leeyahay. Warkan ayaa imanaya kaddib markii ay Xuuthiyiinta Yemen shaaciyeen inay duqeeyeen warshado halbowle ah oo Sacuudiga ku yaalla. Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ayaa Al-Faalix ka soo xigatay in la weeraray laba xarumo shidaal. Wasiirka ayaa dhacdadaas ku tilmaamay fal argagaxisanimo,,

isagaa oo sheegay in falkan iyo kii dhawaan lagu bartilmaameedsaday maraakiibta ayna  khatar ku ahayn Sacuudiga oo kali ah balse ay dhaawacayso ammaanka isu socodka tamarta iyo dhaqaalaha caalamka.