Connect with us

World News

Sacuudiga oo Carabta ugu baaqay Kulan degdeg ah

Boqorka Sacuudiga Salman Bin Cabdilcasiis ayaa waddamada Carabta ugu baaqay 2 kulan oo degdeg ah oo lagu falanqaynayo weerarradii lagu beegsaday Sacuudiga iyo Imaaraatka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudig ayaa boggeeda Twitterka ku sheegtay in labada shir lagu qaban doono magaalada Makka 30 bishan May. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda ka aloosan Khaliishka ee u dhexaysa Maraykanka iyo Iran.

Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyey maraakiib iyo diyaarado dagaal u soo diray Khaliijka isaga oo ku andacooday waxa uu ugu yeedhay handidaadaha Iran.  Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ayaa ka soo xigatay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi in kulankani uu ku yimid iyada oo lagu dedaalayo in dawladaha walaalaha ah ee golaha iskaashiga Khaliijka iyo Waddamada Carabta ay wada-tashi ka yeeshaan wax kasta oo xoojinaya ammaanka iyo xasiloonida gobolka.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending