Sacuudiga Iyo Imaaraatka Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Is-beddelka Ka Dhacay Suudaan - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Sacuudiga Iyo Imaaraatka Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Is-beddelka Ka Dhacay Suudaan

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in ay taageersan yihiin tallaabooyinka uu qaaday golaha milatariga Suudaan. Warsaxaafadeed ka soo baxay Sacuudiga ayaa lagu sheegay in boqortooyadu ay taageersan tahay in shacabka Suudaan uu aayihiisa ka tashado, sidoo kalena ay taageersan tahay tallaabooyinka ay ku jiirto danta shacabka Suudaan ee uu ku dhaqaaqay golaha milatariga Ku-meel-gaadhka ah ee dalkaas laga sameeyey.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Sacuudigu uu Shacabka Suudaan ugu deeqayo  kaalmooyin isugu jira shidaal, qamandi iyo dawooyin. Geesta kalena dawladda Imaaraatka ayaa sheegtay inay soo dhawaynayso in madaxweynaha Ku-meel-gaadhka ah ee Suudaan Cabdil Fataax Al-Burhaan. Xukuumadda Imaaraatka ayaa ka dhawaajisay inay la shaqaynayso golaha milatariga ee ku-meel-gaadhka ah si taageero loo gaadhsiiyo shacabka Suudaan.

La Wadaag Asxaabta