Ruushka Oo Diyaarado Ciidan Ah U Diray Venezuela - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Ruushka Oo Diyaarado Ciidan Ah U Diray Venezuela

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Laba diyaaradood oo ka tirsan ciidanka cirka ee Ruushka ayaa ka dagay madaarka caalamiga ah ee caasimadda Venezuela ee Caracas. Sida ay wararku sheegayaan labada diyaaradood ayaa siday masuul sare oo ka tirsan waaxda difaaca Ruushka iyo ku dhawaad 200 oo askari. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa saddex bilood kaddib markii la soo gunaanaday tababar milatari oo dhexmaray ciidamada labada waddan kuwaas oo uu madaxweynaha Venezuela ku sifaayey in muujinayso xidhiidhgan wanaagsan ee u dhexeeya labada waddan,


balse Washignton ayaa tallaabadaas cambaaraysay iyada oo ku tilmaamtay faro-gelin uu Ruushku ku hayo gobolka. Ruushka ayaa wakhti dheer xulafo la ahaa dalka Venezuela, dalkaas ku yaalla Koonfurta Ameerika ayayna amaahiyeen balaayiin doolar, waxayna garab qabteen shirkadaha shidaalka iyo milatariga Venezuela. Ruushka ayaa dhanka kalana si wayn uga soo horjeedsaday cunaqabataynta uu Maraykanku saaray dawladda Venezuela ee uu madaxweynaha ka yahay Nicolás Maduro.

La Wadaag Asxaabta