Ra'sul wasaaraha Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Kismaayo - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Ra’sul wasaaraha Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyr ayaa goor dhaweyd gaaray maagalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubaland.

Waxana Ra’isul Wasaaraha garoonka magaalada ku soo dhaweeyay madaxweyne Axmed Maxamad Islaam (Axmed Madoobe).

Ra’isul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la filayaa inay goor dhaw beerta xoriyadda kula hadlaan qaar kamid ah dadweynaha Kismaayo.

Kaddibna ay yeeshaan kulamo albaabadu u xiran yihiin oo lagu gorfeynayo xal u helista xiriirka labada dhinac ee xumaaday sanadkii hore.

Ra’isul Kheyre waxa Kismaayo uga sii horeeyay illaaladiisa gaarka ah iyo koox weriyayaal ah oo laga qaaday Muqdisho si ay u soo tabiyaan wararka la xiriira safarkiisa.

Safarka Ra’isul Wasaaraha ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu qof madax ah oo ka tirsan Dawladda Federaalka uu ku tago Kismaayo tan iyo markii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyadu uu ku dhaawaqay inuu joojiyay wada shaqayntii kala dhaxaysay Dawladda Dhexe bishii September 2018-ka.

La Wadaag Asxaabta