Connect with us

World News

Ra’iisal wasaaraha oo ku dhawaaqay shir ka dhan ah Argagaxisada

Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa ku baaqay in la qabto shir caalami ah oo ka dhan ah argagaxisada caalamka. 

Modi oo kalmad u jeedinayey baarlamaanka dalka Maldives oo uu ku tagay booqashadiisii ugu horraysay tan iyo markii mar labaad xilka loo doortay ayaa sheegay “in argagaxisdu ayna khatar ku haynin waddan kaliya balse ay handidayso xadaaradda adduunka oo dhan”. Ra’iisal wasaare Modi ayaa is waydiiyey sababta ay beesha caalamka shirar iyo heshiisyo badan ugu qoondayso ka hortagga isbeddelka cimilada balse ayna xil isaga saarin arrinta argagaxisada.

Ra’iisal wasaaraha Hindiya ayaa waxa uu ku baaqay shir caalami ah oo ujeedkiisu yahay sidii isfahan looga gaadhi lahaa xakamaynta waxyaabaha ay ka faa’iidaysato argagaxisadu iyo cidda taageertaba.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending