Waadi News - Latest News Update

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Papua New Guinea Oo Is-casilay

Ra’iisal wasaaraha dalka “Papua New Guinea” Peter O’Neill ayaa is-casilay kaddib toddobaadyo uu dalkaasi hadheeyey jaha-wareer siyaasadeed kaas oo horseeday inuu waayo kalsoonida baarlamaanka. Xildhibaannada xukuumadda taageersan ayaa wali ku rajo weyn in ay awoodda dalka gacanta ku sii hayaan. Peter O’Neill ayaa aad loogu sacabeeyey markii uu is-casilaaddiisa kaga dhawaaqay baarlamaanka hortiisa. Is-casilaaddiisa ayaa daba socotay isku dayo codka kalsoonida loogu qaadayey oo u muuqatay in uu ku guul darraysanayo.

“Sharaf weyn ayey ii tahay in aan dalkan u soo shaqeeyey, aniga oo ummaddan soo hoggaaminayey 8 sannadood, Laakiin nasiib darro, siyasaasadda dalkan ayaa noocan u shaqaysa” ayuu yidhi Peter O’Neill. isaga oo intaas ku daray “Aniga oo tix-gelinaya xasiloonida siyaasadeed, kuna dedaalaya inaan kalsooni u abuuro ganacsatada iyo dhaqaalaha waxaa lagama maarmaan noqotay in aan xilka banneeyo”

Posted by