Connect with us

World News

Rag Ku Dooday In Ayna Wali Arkin Bisha Ramadaan Oo La Xidhxidhay

Booliiska shareecada Islaamka ee gobolka Kanu ee dalka Nigeria ayaa xidhxidhay siddeetan ruux oo lagu eedeeyay in ay bulshada dhexdeeda cunto ku cuneen iyaga oo sooman, badalkii ay soomi lahaayeen bisha barakaysan ee Ramadan. Booliiska shareecada ee loo yaqaanno Hisbah ayaa sheegay in dadkan lagu xidhxidhay magaalada Kanu maalmihii u dambeeyay.

Gobolka Kanu ayaa ka mid ah gobollo dhawr ah oo ku yaalla waqooyiga Nigeria kuwaas ku dhaqanka shareecada Islaamka dib u soo celiyay sannadkii 2000. Shareecada Islaamka ayaa la dhaqan galiyay waxaase ka garab shaqeeya dastuurka dalkaas.

Adamu Yahaya oo ah afhayeen u hadlay booliska Hisbah ee gobolka Kano ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan dadka la xidhay ay Muslimiin ahaayeen, isla markaasna ayna bartilmaameedsan dadka aan Muslimiinta ahayn maadaama oo aan iyaga soon ku waajibin. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadkaas ay xafiiska sharaaceda Islaamka u sheegeen in sababta ay u cuntaynayeen ay tahay in ayna wali indhaha saarin bishii, halka qaar kalana ay xannuun sheegteen,

balse masuuliyiintu ay xaqiijiyeen in waxa ay sheeganayaan uuna sal lahayn. Siddeetankan ruux oo la ogaaday in ayna hore khalad u galin ayaa la sii daayay isla markaasna digniin la siiyay, sida uu Yahaya sheegay. Digniin ayaa la siiyay haddii ay dambi kale ku laabtaanna maxkamad ayaa la saari doonaa.  Booliiska Hisbah lagu magacaabo ayaa sheegay in ay bisha Ramadaan oo dhan sii wadi doonaan hawgallada ay deegaannadaas ku gaafwareegayaan isla markaasna ay xidhxidhi doonaan Muslimiinta aan soomayn. BBC

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending