Qoyska Khaashuqji Oo Beeniyey In Ay Heshiis La Galeen Xukuumadda Sacuudiga - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Qoyska Khaashuqji Oo Beeniyey In Ay Heshiis La Galeen Xukuumadda Sacuudiga

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Qoyska weriyihii Sacuudiga ahaa ee lagu dilay Istanbul Jamaal Khaashuqji ayaa beeniyey inay Xukuumadda Sacuudiga kula jiraan wada-hadalo hoose oo xal lagaga gaadhayo kiiska Jamaal. Saalax Khaashuqji oo ah wiil uu dhalay Jamaal Khaashuqji ayaa bayaan uu Twitter-kiisa ku soo qoray ku yidhi: “hawlihii maxkamadda ayaa weli socda, waxba ka jiraan is-afgaradka iyo heshiiska la sheegayo”.

Warbaahinta Maraykanka ayaa hore u sheegtay in Carruurta Khaashuqji la siiyey magtii aabahood, taas oo ah guryo ku qiimaysan malaayiin Doollar iyo mushaharro kumannaan Doollar sida lagu daabacay wargayska Washignton Post oo uu Jamaal Khaashuqji wax ku qori jiray intii aan la dilin kahor.

La Wadaag Asxaabta