Connect with us

World News

Pakistan Oo Hindiya Eedaysay

Ra’iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ku eedeeyey xisbiga ka taliya Hindiya inuu abuuray dacaayad dagaal kaddib markii ay Hindiya sheegtay inay soo ridday diyaaray Pakistan leedahay oo nooceedu yahay F-16 intii ay socdeen isku dhacyadii labada dal dhexmaray bishii February.

Khan ayaa intaas ku daray in Runtu ay mar walba tahay siyaasadda ugu fiican. Wargayska reer Maraykanka ee Foreign Policy ayaa ka soo xigtay Masuuliyiin Maraykan ah in tirada diyaaradihah Pakistan ee F-16 ay tahay intii ay ahayd dagaalka ka hor, taas oo beeninaysa sheegashada ciidamada cirka ee Hindiya ee ah in ay Pakistan ka soo rideen diyaarad F-16 ah bishii February.

Hadal uu Imran ku soo qoray twitter-kiisa ayaa ku yidhi: “Runtu ayaa mar walba guulaysanaysa, Waana siyaasadda ugu fiican”. Hindiya iyo Pakistan ayaa ku dul dagaalamay gobolka Kashmir ee ay isku haystaan maalin uun kaddib markii ay ciidamada Hindiya kusoo xad-gudbeen hawada Pakistan iyaga oo weeraray waxa ay ku sheegay saldhig ay leeyihiin koox mayal-adag oo ka soo horjeeda New Delhi.

Intii dagaalkaasi socday ciidamada Pakistan waxay soo rideen mid ka mid ah diyaarada dagaalka ee Hindiya iyaga oo gacanta ku dhigay duuliyiihii oo ku soo dhacay dhinaca Pakistan kaddib markii uu ku booday dalaayada badbaadada (Parachute).

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending