Pakistan Oo Halyey Qaran U Aqoonsatay Muwaadin Ku Shahiiday Weerarkii New Zealand iyo Sababta - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Pakistan Oo Halyey Qaran U Aqoonsatay Muwaadin Ku Shahiiday Weerarkii New Zealand iyo Sababta

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Ra’iisal wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in halyey qaran loo aqoonsan doono in dalkiisa u dhashay oo shahiiday isaga oo dadka ka badbaadinaya ninkii dilaaga ahaa ee Jimcihii Muslimiinta badan ku xasuuqay labo masaajid oo ku yaalla dalka New Zealand. Naeem Rashid oo 49 Jir ah ayaa ka mid ahaa 9 Pakistaniyiin ah oo lagu dilay weerarka ka dhacay Magaalada Chirstchurch ee dalka New Zealand.

“Pakistan waxa ay ku faanaysaa Mian Naeem Rashid oo shahiiday isaga oo isku dayey in uu iska dhiciyo ninkii ahaa caddaanka cunsuriga ah ee argagaxisada ahaa. Geesinimadiisa waxaa lagu xusi doonaa billad qaran” ayuu boggiisa Twitterka ku qoray Ra’iisal wasaare Khan oo taageero u muujinayey qoysaska reer Pakistan ee ay dadkoodu ku waxyeeloobeen xasuuqii New Zealand.

Rashid oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Abbottabad ee Pakistan ayaa dhaawac xun ka soo gaadhay weerarkii masaajidka Alnuur kaddib markii uu isku dayey in xoog ku muquuniyo gacan ku dhiiglihii, dhakhtar ayaa loola cararay balse wuu geeriyooday.

La Wadaag Asxaabta