Nin uu maroodi legday, kaddibna uu libaax cunay - Waadinews | Somali News and EntertainmentsWaadinews | Somali News and Entertainments

Nin uu maroodi legday, kaddibna uu libaax cunay

Share it with your friends Like

Thanks! Share it with your friends!

Close

Intee in la’eg ayay ku haleeli kartaa nasiib darada in maroodi iyo libaax isugu kaa tagaan. Hagaag, nin loo malaynayo in uu ka tirsanyahay kooxaha xayawaanka ugaadhsada ayaa la sheegay in uu libaax cunay waxyar kadib markii uu maroodi dhaawac xalis ah u geystay.

Saraakiisha kaynta Kruger Park oo ka mid ah kaymaha ugu waaweyn Afrika, kuna taala dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay heleen qeyb yar oo ka mid ah jidhka ninkii uu libaaxa cunay. Agaasimaha kaynta ayaa yidhi

“In lug lagu soo galo kayntan ma ahan arrin munaasab ah, halis badan ayaa ka dhalan karta, waxaana jira caddeymo taas muujinaya oo dhacay”. Kayntan ayaa waxa ay wajahaysaa dhibaatooyin badan oo dhanka ugaarsiga ah xilli dalabka foolka maroodiga iyo wiyisha ee qaaradda Aasiya uu sii kordhayo.

Maalintii sabtidii garoonka Hong Kong waxaa lagu qabtay fool wiyil oo qiimaheeda suuqa madoow lagu qiyaasay $2.1 milyan. BBC

La Wadaag Asxaabta