Connect with us

World News

Netanyahu iyo Erodgan oo aflagaado is-dhaafsaday

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa maanta madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ugu yeeray “Kaligii taliye” iyo “khiyaali” ayada oo mar kale labada hoggaamiyo ay aflgaado is-dhaafsadeen. Turkey ayaa talaadadii ku cambaareysay Netanyahu “Cunsurinimo cad” kaddib markii Israa’iil uu gu yeeray dal ay leeyihii “Dadka Yahuudda ah” oo kaliya, oo ayna muwaadiniinta kale waxba ku lahayn. “Sida ku cad xeerka muwaadinnimada dalka ee aan ansixinay Israa’iil waa dal Yahuudeed oo kaliya” ayuu Netanyahu ku yidhi qoraal uu soo dhigay barta Instagram. Afhayeenka Erdogan, Ibrahim Kalin ayaa hadalkaas ka jawaabay, wuxuuna qoraal uu soo dhigay Twitter ku yidhi

“Waxaan cambaareynayaa cunsurinimadan cad iyo midab sooca”. Netanyahu ayaa u jawaabay Kalin isaga oo yidhi “Kaligii taliyaha Turkiga ee Erdogan, wuxuu weeraraa dimoqraadiyadda Israa’iil, halka suxufiyiin iyo garsooreyaal ay ka buxaan maxaabiistiisa” ayuu yidhi Netanyahu. Labada hoogaamiye ayaa hore dhowr jeer sidan oo kale isku dhaafsaday hadallo kulul, iyada oo Erdogan uu yahay mid ka mid ah hoggaamiyayaasha fara ku tiriska ah ee dalalka Islaamka ee inta badan cambeereeya Israa’iil. VOA.
AFP

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending