Connect with us

World News

Muslimiinta Hindiya oo ka walaacsan Mustaqbalkooda inta uu Modi xilka hayo

Sannadihii u dambeeyay dalka Hindiya waxaa ku sii badanayay dambiyada Muslim nacaybka la xiriira, qaar dadka ka mid ahna waxay u arkaan dalkaas uu noqonayo mid ay si halis ah ugu sii badanayso dulqaad yaridu inta uu xilka hayo xisbiga Bharatiya Janata Party, sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Rajini Vaidyanathan.

Maalmo ayaa inaga xiga marka ay soo gabagaboobayso wajiga koobaad ee doorashada dalka Hindiya. Ganacsade Muslim ah oo ku sugan gobolka Assam ee waqooyiga bari ee dalka Hindiya ayay dad badan soo qaabileen oo ku soo xoomeen isaga oo shaqada ka sii rawaxaya.

Shaukat Cali waxaa isku gadaamay koox, waxaana lagu qasbay in uu jilba joogsado ka dibna waa la weeraray. “Ma reer Bangladesh baad tahay” ayuu nin ku qaylyay, isaga oo su’aal galinaya muwaadinimadiisa. “Maxaad halkan hilibka lo’da ugu iibinaysaa?” ayuu midkalana waydiiyay ka dibna far ayuu ka jaray Cali. Badalkii ay dadkii soo xoomay caawin lahaayeen ninkaas, taleefoonnadooda ayay la soo baxeen wayna duubeeen.

‘Caqiidadayda ayaa weerar lagu yahay’

Hal bil ayaa dhacdadaas laga joogaa Cali-na wali wuxuu la daalaa dhacayaa in uu cagihiisa ku socdo. Waxaan kula kulmay gurigiisa oo haddii gaari la qaato aan sidaa uga fogayn suuqa, waxaa ku hareeraysan doog iyo beero bariis lagu beerto.

Ninkan oo 48 jir ah oo sariirtiisa yaala ayay indhihiisu illin soo buuxisay markii uu damcay in uu dib u celiyo xasuustiisa oo uu iiga sheekeeyo sidii u dhacay weerarkii lagu qaaday. “Ulo ayay ila dhaceen, wajiga ayay iga laadeen,” ayuu yiri isaga oo i tusaya dhaawacyo feedhaha iyo madaxa kaga yaalla.

Qoyskiisu tobannaan sano ayay ka ganacsanayeen hilibka lo’da iyaga oo ku gada goob yar oo ay leeyihiin – balse waligood lama aysan kulmin dhibaatadaas oo kale. Gobollada qaar ayaa sharci darro ka dhigay hilibka lo’da maadaama oo dadka diinta Hinduga aaminsan ay lo’da barakaystaan – balse gobolka Assam si sharci ah ayaa loogu gadi karaa hilibka lo’da.

Shaukat Cali jir ahaan oo kali ah dhaawac uma soo gaarin – balse sharaftii ayaa laga xayuubiyay, dadkii badnaa ee jirdilka u gaystayna waxay ku qasbeen in uu hilib doofaaar ruugo ka dibna liqo.

“Ma jirto sabab aan u sii noolaado,” ayuu yiri isaga oo niyad jabsan, “Tanina waxay ahayd weerar lagu qaaday caqiidadayda dhammaanteen.”
Caro ayaa ka dhalatay muuqaalka laga duubay Cali oo hilib doofaar lagu qasbayo, dadka ayaana aad isugula wadaagay baraha bulshadaImage caption: Caro ayaa ka dhalatay muuqaalka laga duubay Cali oo hilib doofaar lagu qasbayo, dadka ayaana aad isugula wadaagay baraha bulshada
Maalin maalmaha ka mid ah qaar ka mid ah dadka deegaanka ee Muslimiinta ah ayaa gurigiisa ku booqday si ay u soo arkaan waxa gaaray Cali. Intii ay sheekadiisa dhagaysanayeenna qaar ayaa billaabay in ay ilmeeyaan iyaga oo iswaydiinaya in iyagana ay u nugulyihiin in sidaas oo kale loo bartilmaameedsado.

Iyadoo dalka ugu tunka wayn dimuqraadiyadda adduunka uu doorasho qabanayo waxaa su’aalo laga keenay sida Muslimiinta dalkaasi ay qayb uga yihiin.

Muslimiinta dalka Hindiya ayaa lagatiro badan ayahay waxayna gaarayaan 172 milyan oo ruux.

Shaukat Cali ayaa ah qofkii u dambeeyay ee tirada sii kordhaysa ee loo dhibaateeyay in ay hilib lo’aad gadayeen amaba looga shakiyay in ay gadaan.

Dadka deegaanka oo soo booqday Shaukat CaliImage caption: Dadka deegaanka oo soo booqday Shaukat Cali
Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa February 2019 ogaatay ugu yaraan 44 ruux oo 36 ka mid ah ay Muslimiin yihiin lagu dilay 12 gobol oo dalka Hinyida ku yaalla, dilalkaasina ay dhaceen intii u dhaxaysay 2015 ilaa iyo 2018. Isla xiligaas 280 ruux ayaa lagu dhaawacay 100 dhacdo oo ka kala dhacay 20 gobol.

Madaxa Hay’adda Xuquuqul Insaanka u Qaabilsan Qaramada Midoobay Michelle Bachelet oo soo bandhigaysa khudbaddeedii sannadlaha ahayd ayaa walaac ka muujisay “tacaddiyada iyo beegsiga lagu hayo dadka laga tirada badan yahay – si gaar ahna waxay u taabatay Muslimiinta iyo dadyowga kale ee muddada dheer la faquuqayay sida Dalits.

Rabshadaha diinta la xidhiidha ee dadku ku dhintaan ayaa wax aan la aqbali karin ka ahaa dalka Hindiya tan iyo markii dalkaas la aasaasay.

Balse hadda walaac dhab ah ayaa jira, dadaka hadda ka arrimiya Hindiya ayaana aqbalaya dhaqanka isla xisaabtan la’aanta.

Mid ka mid ah tusaale yaasha la soo qaadan karana waxaa ka mid ah mid ka mid ah kufsiigii ugu xumaa ee dhawaan ka dhaca Hindiya taariikhda dambe.

Bishii Janaayo ee sannadkii hore gabadh siddeed jir ah oo Muslim ah ayaa daaq gaysay fardo ay heerkoodu lahaayeen waxaana lagu afduubtay degmada Kathua ee ka tirsan qaybta ay Hindiya maamusho ee gobolka Kashmiir.

Toddobaad ayaa lagu hayay macbad ay ay leeyihiin dadka aaminsan diinta Hindu-ga, dhulka ayaa lagu jiiday marar badan ayaa la kufsaday oo la jir dilay ka dibna nafta ayaa laga qaaday.

Warbixin ay intaas ka dib booliisku diiwaangaliyeen ayaa sheegaysa in dambigaasi uu qayb ka ahaa qorshe ay maleegeen koox rag ah oo diinta Hinduga aaminsan kuwaas oo rabay in ay deegaannadaas ka saaran qawmiyadda Bakerwal oo ah Muslimiin reer miyi ah, kuwaas oo gabadhuna ay ka soo jeeday.

Sannad ka badan booliis ayaa waardi ka haya gurigooda oo ku yaalla dhulka durugsan ee Kathua.

“Waxay dhaheen dila waa gabadhii qoyska Muslimka ah, si heerka intiisa kale ay u naxaan una cararaan,” sida uu ii sheegay aabaheed oo ilmo ka tiraya indhihiisa.

Qoyska ayaa diiday in ay ka haajiraan gurigii ay gabadhooda la dilay kula noolaan jirtay, balse walaac ayay ka qabaan ammaanooda.

“Dibadda in aan u baxno waan ka cabsannaa hadda, noloshannada ayaan u baqaynaa” ayaytiri gabadha hooyadeed. “Haddii aan tallaabo dibadda dhigno dadka ayaa noo dhaarta oo noogu hanjaba in ay na garaaci doonaan.”

Markii gabadhaas siddeed jirka ah la dilay, boqollaal ruux ayaa waddooyinka mudaaharaad ka dhigay. Balse mudaaharaadyadii deegaannadaas ka dhacay badankood waxaa taageero loogu muujinayay siddeed nin oo diinta Hinduga haysta oo lagu eedeeyay weerarka arxandarrada ah, oo ma ahayn kuwo lagu garab istaagayay qoyska gabadha yar laga dilay.

Labo wasiir gobol oo ka tirsan xisbiga BJP oo kala ah Chaudhary Lal Singh iyo Chander Prakash Ganga ayaa ka mid ahaa dadkii waddooyinka ku mudaaharaaday iyaga oo taageero u muujinaya eedaysaneyaasha.

“Gabadhani way dhimatay, baaritaanka loo samaynayana aad uu u badan yahay. Dumar badan ayaa halkan lagu dilay,” ayaa la sheegay in Singh uu ka sheegay isu soo baxii uu ka qaybgalay.

Inkasoo Modi uu cambaareeyay kufsiga, haddana raggaas kama uusan dalban in ay si degdeg ah isu casilaan. Toddobaadyo markii caddaadis lagu hayay ayayse is casileen.

Warar ayaa sheegay in xoghayaha guud ee xisbiga BJ, Ram Madhav in uu sii waday difaacidda raggaas. bbc

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending