Waadi News - Latest News Update

Muranka Oo La Ogaadey Inuu Faa’iido U Lee Yahay Lamaanaha.

Daraasad cusub oo ay dhowaan sameeyeen koox sanaysyahano ahi ayaa lagu ogaadey in muranka dhex mara labada qof ee lamaanaha ahi

 uu faa’iido u lee yahay dhexdooda marka loo eego in aanay labada qof wada hadlin oo midba dhiniciisa u aamuso .

Faa’iidooyinka Muranka ee lamaanaha ayay kooxdan Khubarrada ahi sheegeen in uu yahay mid caafimaad, iyaga oo tilmaamay in uu ka hortegi karo Geerida deg dega ah ee ay keenaan xanuunadda wadnaha ku dhaca iyo dhiiga maskaxda ku furma.

Kooxdan Daraasadda samaysay oo ka socotay jaamacadda Arizona University ayaa sheegay in lamaanaha aan qarsan cadhadooda ee muranka iyo hadalka ku dhamaysta ay ka bad baadaan khataro caafimaad daro oo soo food saara dadka aamuska badan ee cadhadooda qarsada , sidoo kalena ay dadkaasi ka cimri dheer yihiin dad badan.

Intii daraasadan baadhitaankeedu socday waxa waraysi lala yeeshay ilaa 192 qoys oo lamaaneyaal ah , kuwaas oo qaarkood ay is qabeen muddo dhan 32 sanno, waxaanay sheegeen in ay muran ku kala ciil baxaan marka ay isu cadhoodaan, waxaanay khubarradan daraasadda waday ogaadeen in dadka cadhadooda la aamusaay khatar ugu jiraan inay dhintaan , ayna ragu u badan yihiin 35% , halka ay dumarkuna yihiin 18% .

Daraasadan oo lagu daabacay wargeyska Psychosomatic Medicine Journal oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in cadhada oo la qarsadaa ay keento in ay unugyadda Jidhku khal khalaan, taas oo keentay in uu qofku cabudho, ugu dambayna uu falal badan oo fool xun ku kaacosida uu sheegay Kyle Boraasa oo clmiga Naftiga ka dhiga jaamacadda Arizona.

Posted by