Connect with us

Community

Maxaad Ka Taqaanaa Waddanka Hal Malyan Oo Shahiid Ku Waayey Halgankii Xornimo U Dirirka?

Aljeeriya(Aljazaa’ir) Waa dal Carbeed oo ku yaalla  Waqooyiga Qaaradda Afrika. Jihada Waqooyi waxaa Ka xiga badda Mediterranean-ka, . Dhinaca Galbeedna waxa ay xad ka wadaagaan dalalka Moritaaniya iyo Marooko. Koonfurna waxaa ka xiga waddamada Nayjar iyo Maali. Dhinaca Bari waxaa ka xiga Tunisiya iyo Liibiya. Aljeeriya waa waddanka 10- aad ee Adduunka ugu baaxda weyn, Waana dalka kowaad ee Ugu baaxadda weyn qaaradda Afirka. Waxaa lagu qiyaasaa badkeeda 2,381,741 Kiiloo Mitir oo Isku wareeg ah, Boqolkiiba 100 dhulkeedu waa barri.  

Cimilada: Guud ahaan cimilada Aljeeriya waa Cimilo Dhexdhexaad ah Jiilaalkii, Xagaagiina waa kulayl qallayl ah. Caasimada Dalka waxaa la yidhaahdaa Aljeeriya.

Luqadda: Luqadda rasmiga ah waa Afka Carabiga, afafka kale ee dalka lagaga hadlo waxaa ugu muhiimsan Faransiiska. Diinta: dadka reer Aljeeriya boqolkiiba 99 waa Muslim. Dadka: Qiyaas la qaaday sannadkii tagay ayaa ku qiyaastay tirada dadka ku nool Aljeeriya ilaa
41,657,488  oo ruux, Celceliska cimri-dheerida reer Aljeeriya ayaa gaadha 77 sannadood, Haweenka reer Aljeeriya ayaa ka cimri dheer raggooda. Dalka Aljeeriya waxaa gumaystay dalka Faransiiska oo uu la galay halgan dheer oo galaaftay nolosha in ka badan Hal Malyan iyo Badh oo Aljeeriyaan ah iyo  ku dhawaad 30 kun oo Askartii Faransiiska ah. 5-tii Bisha July sannadkii 1962 ayey Aljeeriya hanatay Xorriyaddeeda.

Dhaqaalaha: Wax-soo-saarka sannadlaha ah ee Aljeeriya waxaa lagu qiyaasay 632.9 Bilyan oo Dollar, Qofka reer Aljeeriya sannadkii waxa u soo xarooda dakhli gaadhaya 15,200 oo Dollar. Waxaana lagu Qiyaasaa Heerka Shaqo la’aanta boqolkiiba 11.7. Heerka Sicir bararka ayaa isna garaacaya 5.6 boqolkiiba.  Shacabka reer Aljeeriya boqolkiiba 23 waxa ay kunool yihiin dhaqaale ka hooseeya Xariiqa Sabooltinimada.

Khayraadka Dabiiciga Ah: Dalkani waxa uu qani ku yahay Shidaalka, Naqaska dabiiciga ah, Xadiidka, Foosfoorka, Yuuraaniyamka, Liidh iyo Zinc. Waxbarashada: Dawladda Aljeeriya Waxa ay ku bixisaa dhinaca wax-barashada dakhli u dhigma boqolkiiba 4.3 wax-soo-saarkeeda. Dadka da’doodu ka wayn tahay 15 sanno ee awooda akhriska iyo qoraalka waxaa lagu qiyaasaa 80.2 Boqolkiiba Celceliska da’da dugsiyada lagaga qalin jabiyaana waa 14 sanno.  

Caafimaadka: Xukuumada Aljeeriya, Boqolkiiba 7.2 Wax soo saarkeeda waxa ay ku bixisaa dhinaca caafimaadka, Qiyaas la qaaday sannadkii 2017 ayaa lagu tira-koobay dadka la nool Xanuunka dilaaga ah ee HIV/AIDs 14,000 oo ruux, sidoo kale waxaa lagu qiyaasay tirada dadka uu galaaftay xanuunkani wixii ka horreeyey sannadkii 2017 kii ilaa laba boqol  oo ruux. Dadka Ka cabanaya Buurnida xad-dhaafka ah ayaa iyaguna uga dhigma boqolkiiba 27.4 tirada guud ee bulshada. Waana waddanka 38 aad dhinaca cayilaadda.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending