Waadi News - Latest News Update

Maxaad Ka Taqaanaa Sooyaalka Taariikheed Ee Dalka Myanmar Ee Lagu Xasuuqo Muslimiinta Rohingya?

Myanmar ama Burma waa mid ka mid ah dawladaha Koonfur Bari Eeshiya, waxaa kaga teedsan jihada Waqooyi ilaa Waqooyi Bari Waddanka Shiinaha (China), Koonfur ilaa Kuunfur Barina waxaa ka xigta laos iyo Thailand, Jihada Galbeedna waxa ka xiga Badda Andaman iyo gacan biyoodka Bengal. Waqooyi Galbeedna waxaa ka xiga Bangladesh iyo Hindiya. Waxaa u Caasimad ah Rangoon. Diinta rasmiga ah waa Waxa loo yaqaano Buddhism. Luuqada Rasmiga ah ee lagaga hadlaa waa afka Burmese. Dalka Burma ama Myanmar waxa uu ku fadhiyaa dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 678,500 KM oo isku wareeg ah. Tirada bulashada ku nool Maynmar waa 50 milyan oo ruux, oo kasoo kala jeeda 140 qoomiyadood oo kala duwan.

Qoomiyadda ugu muddakarsan waa qoomiyadda Burman, waana kooxda gacanta ku haysa tallada dalka waxaa ku xiga Qoomiyadda Muslimiinta oo loo yaqaano Rohingya, waxa ayna u dhigmaan boqolkiiba 20. Tirada Muslimiinta waxaa lagu qiyaasaa ilaa 10 Milyan, badankooduna waxa y ku dhaqanyihiin gobolka Rakhine. Hadaba gobolkan Rakhine oo dadka ku nool boqolkiiba 80 ay Muslimiin yihiin ayaa badkiisa lagu qiyaasaa 50 Kun oo KM isku wareeg ah, waxaanu ku yaallaa soonaha u dhexeeya Myanmar iyo Bangladesh , Caasimadda gobolkani waa Akiab, waxaana ka sooca dalka intiisa kale silsiladda buuralayda Arakan days oo kasoo farca bunta buralayda Himalayas. Muslimiinta gobolkan waxa ay ku hadlaan lahjada Alrohngjian.

Muslimiinta Gobolka Arakan/ Rakhine iyo Gumaysiga: Diinta Islaamka ayaa gaadhay gobolkan Qarnigii Kowaad ee Hijriga oo ku beegnaa Qarnigii Toddobaad ee tirsiga Miilaadiga, waxaana soo gaadhsiiyey ganacsatadii muslimiinta. Boqorkii Muslimka ahaa Sulayman Shaah ayaa ka dhigay wilaayad Islaami ah, waxaana soo xukumay 48 boqor oo Muslim ah intii u dhaxaysay 1430 ilaa 1784 Miilaadiga. Waxa ay iska lahaayeen lacag u gaar ah oo ay ku xardhantahay Kalmadda Tawxiidku. Waxayaabaha ka marag kacaya fac waynida Islaamku ku leeyahay gobolkan waxaa ka mid ah Masaajidka Badar Maqaam oo ku yaalla Caasimadda gobolkan ee Akiab, iyo masaajidka Al-Diiwaan Muusa oo la dhisay qarnigii 13aad ee Miilaadiga.

Haddaba Sannadkii 1784 gobolkan waxaa xoog ku qabsaday boqor ka soo jeeda Qoomiyadda Burma, oo aaminsan diin ku sheeg Buddhism-ka waxaana la odhanjiray Budabay, waxa uuna gobolkan ku soo daray dhulka Burma, isaga oo burburiyey inta badan Masaajidadii iyo madarasadihii, Wadaadadiina birta ka aslay. Dadka reer Burma ee aaminsan Buddhism-ka ayaa u soo dhigtay laynta, silic-maryaadinta, saxariirinnta Muslimiinta gobolkan, iyo in ay bililiqaystaan oo ay dhacaan xoolahooda iyo hantidooda. Sannadkii 1824 ayuu Ingiriisku qabsaday waddanka Myanmar, isaga oo ku daray Hindiya oo uu guumaysanjiray. Sannadkii 1924tii ayey Qoomiyadda Almag Buddhists ku la kacday Xasuuq iyo dabar-goyn weyn Muslimiinta gobolka Rakhine,,

iyaga oo taageero iyo hub ka helaya walaalahooda Burman Buddhists iyo Ingiriiska. waxaana la xasuuqay in ka badan 100 kun oo Muslim oo u badan maxas iyo biri-ma-gayday (Dhalaan, Haween , iyo Odayaal Da’ ah), iyada oo boqolaal Kun oo ruuxna la bara-kiciyey. Shirkii madax-bannaanida lagu guddoonsiinayey dadka reer Myanmar oo Sannadkii 1947 ka dhacay magaalada Peng Long waxaa lagu casuumay dhammaan qoomiyadaha ku dhaqan dalkan marka laga reerbo Muslimiinta, arrintan oo ah faquuq cad oo lagu sameeyey Muslimiinta.

Sannadkii 1962dii waxaa dalka ka dhacay afgambi milatari oo uu hoggaaminayey Jeneraal Niyuuto oo ahaa xagjir, aad u neceb Muslimiinta, dhibaatooyin iyo xad-gudubyo horlehna kula kacay Muslimiinta waxaa uu burburiyey raadkii taariikheed ee uu Islaamku ku lahaa dalkan, waxa uu dumiyey goobihii cibaadada, iyo kuwii wax baraashada ee Muslimiinta, waxaanu mamnuucay in la hagaajiyo ama qaar cusub la yagleelo.

Afgambigaa kaddib waxaa Muslimiinta u bilaabmay, dhibaato iyo dulmi aanay ta’akhar ka hayn, dadkii waxaa lagu qasbay in ay ka qaxaan dhulkooda iyada oo lagu beerayo ama lagu deegaamaynayo dad Buddhists ah. Waxaa Bangladesh u firdhayday in ka badan 300 oo Kun oo Muslim ah. Sannadkii 1978 waxaa la bara-bixiyey in ka badan 500 oo Kun , iyada oo la gumaaday ku dhawaad 40 Kun oo Muslim oo u badan biri-ma-gayday, waxaana tirakoobkan sheegtay Qaramada Midoobay waxa laqariyeyna intaas ka badan!.

Sannadkii 1988 waxaa la barakiciyey in ka badan 150 Kun oo Muslim, saddex sanno kaddibna waxaa la barakiciyey ku dhawaad 500 Oo Kun. Badhtamaha sannadkii 2012 waxaa lagu laayey caasimadda Rangoon 10 ka mid ah culimada Muslimiinta, iyaga oo ka soo laabtay Cimro, sidoo kale waxaa la dilay 200 oo Muslim kumanaanna waa la barakiciyey . Sida ay sheegtay Qarmada Midoobay sannadkii 2012 waxaa la bara-kiciyey in ka badan 13 Kun oo ka soo jeeda Qoomiyadda Muslimka ah ee Rohingyas. Hay’adda Xuquuqul Insaanka ayaa war-bixin ay soo saartay 22kii April 2013kii ku sheegtay in ciidamada Burma ay ka gaysteen gobolka Rakhine, xad-gudubyo ka dhan ah aadamaha.

Ciidamada ayaa Muslimiinta ka xayuubiyey hubkoodii, iyada oo qoomiyadihii kale loo daayey, ciidamada ayaa aan waxba ka qaban dadka buudiisamka oo xadgudubyo kula kacaya Muslimiinta. BBC-da ayaa soo saartay muuqaal nolosha lagu gubaayo nin Muslim ah oo u dhashay Myanmar. Muslimiinta waddan waxa lagu qasbaa in ay u qabbaanaan ciidanka, oo waa lagu shaqaystaa bilaash ayey ciidanka ugu geeyaan riyaha, Digaagga, xaabada iyo qalabka dhismaha, si kasta waa loo addoonsadaa, waxaa lagu dhisaa dariiqayada. meel ay u firdhadaanna ma haystaan aan ahayn Bangladesh , oo imika ay xukuumada Myanmar wado dayr wayn oo ka xakamaynaya Muslimiinta in ay u baxsadaan Bangladesh, shaqaalaha dhisayaana waa Mislimiin si qasab ah loogu shaqaysanayo.

Muslimiinta looma ogola in ay si toos ah xajka u tagaan, Isku soo wada duub oo Muslimiinta looma ogola xuquuqda ugu hoosaysa; looma ogola isu socdaalka dhexdooda iyo in ay u safraan caasimadda dalka iyaga oo ogolaansho haysta mooyee. Dhalinyarada Muslimiinta ah waxaa loo diidaa in ay waxbarasho dhammaystiran helaan iyo in ay sii wadaan jaamacadaha. Waxaa lagala dagaalamaa dhinaca taranka, oo ragga iyo haweenka Muslimiinta guurka looma ogola illaa ay gaadhaan da’a 25 iyo 30, waliba waxaa laga rabaa in ay ogolaansho kasoo helaan ciidamaa nabad sugidda, kuwaas oo aan si dhayal ah ku bixinin ogolaansha illaa la siiyo laaluush aanay iska bixin karin dadka badidoodu. loomana ogola in ay dhalaan wax ka badan 2 ruux. Xaga muwaaddinimada waxa Muslimiinta loo tixgaliyaa in ay yihiin ajaanib dalka ku soo qaxay xilligii gumaysiga.

Posted by