Connect with us

Community

Maxaad Ka Taqaanaa Masjidka Salaadiisa Kaliyaati U Dhiganto 100 Kun Oo Salaadood Oo Lagu Tukado Goobaha Kale

Masjidul-Xaraam Waa Masjidka ugu mudan muslimiinta waxa uu ku yaalaa badhtamaha magaalada Mekka  oo Joogeedu ilaa 330 Mitir ka sarreeyo oogada badda, Waxayna ku taalaa Jasiiradda Carabta, gaar ahaan waddanka Sacuudi Carabiya.  Masjidka waxa Badhtamaha kaga taala Kacbada sharafta leh oo goobtii ugu horaysay ee loo dhiso in Allah lagu caabudo. Allah ayaa ku yidhi Suuradda Aala Cimraan, ayaadda 96 aad : ” Gurigii ugu horreeyey ee dadka loo dhisay waa ka ku yaala Bakka (Makka), isaga oo ah mid barakaysan, hanuunna u ah Caalamka”. Masjidul xaraamku waa qiblada ay muslimiintu u jeedsadaan marka ay tukanayaan.

  Sida Nebiga (scw) laga soo weriyey Hal  salaad oo lagu tukado Masjidul xaraamka waxay ay ajar ahaan u dhiganta Boqol kun  (100,000) oo salaadood oo lagu tukado masaajidada ama meelaha kale ee aan xaramka ahayn.  Haddaba Marka la yidhaaho Masjidul xaraam waxa loo jeedi karaa afar shay Midkood: 1- Kacbada oo kaliya,  2- Masjidu xaraamka oo dhan. 3- Magaalada makka. 4- Makka iyo Dhulka xurmada leh ee ku gedaaman. Waa la isku Khilaafsan yahay Ciddii ugu horraysay ee dhistay Masjidul Xaraamka Waxaan jira 3 ra’yi: 1- In Malaa’igi dhistay, 2- In uu Nebi Adam (CS) Dhisay, 3- Iyo In Nebi Ibraahiim (CS) uu dhisay, Waana Ra’yiga ay qabaan Ibnu Taymiyah, Ibnu Qayim iyo Ibnu Khathiir, Sidoo kalena uu raajaxay Sheekh Ibnu Al-Cusaymiin.

Quraankuna waxa u sheegayaa in Nebi Ibraahim iyo Wiilkiisii Ismaaciil ay dhisayeen Gurigan Xurmada leh,  balse Quraanku muu sheegin in Nebi Ibraahiim ahaa Qofkii ugu horreeyey ee bilaabay dhismaha kacbada, taas ayeyna culimadu isugu khilaafeen ciddii ugu horraysya  ee dhistay. Si kastaba ha ahaatee markii uu Nebigu furtay Makka  sannadkii siddeedaa ee Hijriga, saaxadda Masjidul xaraamku waxa ahayd boqcadda Qaabka beedka oo kale leh ee ku wareegsan Kacbada ( Waxa uu in yar ka yaraa meesha Dawaafka ee xiligan), iyada oo qiyaas ahaan Bedkiisa guud uu lee’kaa ilaa 2000 (laba Kun) oo Mitir isku wareeg ah, manuu lahayn Albaab iyo dayr ku wareegsan balse waxaa Dayr iyo gidaar u ahaa Guryihii Quraysh oo ku wareegsanaa.

Masjidul xaraamka xilayo kala dambeeyey ayaa la ballaadhiyey, Iyada oo markii ugu horreaysay u ballaadhiyey Cumar Bin Khadaab sannadkaa 17aad ee Tirsiga Hijriga. Balse Ballaadhintii ugu dambaysay Waxaa la maseeyey Sannadkii 2015-kii, Haddaba Waqti xaadirkan masjul xaraamka waxaa ku tukan kara laba malyan iyo Siddeed boqol iyo Kontan kun oo qof (2,850,000), halka bedkiisna la gaadhsiiyey  Hal Malyan Afar boqol iyo toddobaatan kun oo Mitir oo isku wareeg ah (1,470,000 ), Waxa uu leeyahay 78 Albaab iyo 11 Minaaradood. 

Continue Reading
Advertisement
Click to comment
Advertisement Enter ad code h ere

Trending