Waadi News - Latest News Update

Maxaad ka Taqaanaa Golan Heights?


-Waa dhul hodan ah oo ay Suuriya leedahay balse Israa’iil ayaa xoog ku qabsatay sannadkii 1967.

Beesha caalamku waxay u aqoonsantahay in ay tahay dhul xoog lagaga haysto Suuriya laakiin Madaxweynaha Maraykanka ayaa 25 March 2019 Si rasmi ugu aqoonsaday #Golan Heights in tahay dhul ay Israa’iil leedahay.

  • Badkeedu waa 1800 KM oo isku wareeg ah
  • Koonfur Galbeed ayey kaga beegantahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq waxayan u jirtaa 60 KM.
  • Waxaa ku dhaqan ku dhawaad 40 kun oo ruux.
    -Waxaa ka soo go’a 20% canabka Israa’iil oo dhan.
  • Waxay soo saartaa 40% hilibka lo’da ee Israa’iil
  • Saddex meelood meel (1/3) biyaha lagu Isticmaal Israa’iil waxay ka yimaadaan #Golan Heights
  • Shirkadda Afek Oil ayaa #Golan Heights ka heshay sannadkii 2015 kayd shidaal oo lagu qiyaasay malaayiin Barrel.

    Isha xogta: CNBC
Posted by