Connect with us

World News

Maxaa Suudaan Ka Dhacay Labadii Maalmood Ee La Soo Dhaafay?

Kaddib 30 sannadood oo kursiga ku fadhiyey ugu dambayn waxaa xilka ka degay oo la xidhay madaxweynihii Suudaan Cumar Al-Bashiir. Madaxweyne ku-xigeenkiisii ahna wasiirka gaashaan dhigga Cawad Binu Cawf ayaa xilka la wareegay isaga oo ku dhawaaqay in miliatarigu uu xilka sii hayn doono 2 sannadood oo ku-meel-gaadh ah si loogu diyaar garoobo doorashooyinka, Sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay in dalku uu muddo saddex bilood ah ku jiri doono xaalad degdeg ah.

Golaha milatariga ee xilka la wareegay ayaa sheegay in ay madaxweyne Bashiir maxkamad soo taagi doonaan balse ayna u dhiibi doonin maxkamadda dambiyada caalamka. Si kastaba ha ahaatee, maalmo uun kaddib go’aankii Maraykanku uu dal-ku-galka dalkiisa ugu diiday guddoomiyaha Guud ee maxkamadda dambiyada caalamka Fatou Bensouda ayey garsoorayaasha maxkamaddaasi waxay ku gacan saydhaydheen codsi uga yimid guddoomiyaha guud ee maxkamaddaasi, kaas oo ahaa in baadhitaan lagu sameeyo dambiyo laga cabsi qabo in ay ka dhaceen Afghanistan iyaga oo ku dooday in aan la haynin caddaymo ku filan.

Continue Reading
Advertisement
Click to comment




Recent Posts

Trending