Waadi News - Latest News Update

Markab Sacuudiyaan ah oo laga hor-istaagay in Uu Hub ka qaado Faransiiska iyo dalka uu u shiraacday

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa markab Sacuudiyaan ah ka hor-istaagay in uu hub ka daabulo dekad Faransiiska ku taalla oo la yidhaahdo Havre. ACAT oo ah urur u dooda xuquuqu Insaanka ayaa Khamiistii gudbiyey dacaw uu ku sheegay in heshiiska hubkani uu meel-ka-dhac ku yahay axdigii Qaramada Midobay maadaama laga yaabo in loo adeegsado dadka rayidka ah ee reer Yemen, balse garsoorka Faransiiska ayaa dacwaddaas daadifadeeyey.

Hadabada markabka Sacuudiga ee Bahri-Yanbu ayaa isaga oo madhan u shiraacday dhinaca dekedda Isbaanishka ee Satander wax yar uun kaddib markii xukunku dhacay

Posted by